Mas’uul ka tirsan Maamulka G/Dhexe oo gaarigiisa Qarax loogu xiray!

Wararka naga soo gaarayo magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in Qarax loogu xiray gaarigiisa mid ka mid ah mas’uuliyiinta Maaliyadda maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Mas’uulka ayaa magaciisa lagu soo koobay Abaadir,wuxuuna yahay mas’uulka ugu sareeya maamulka Maaliyadda Gobolka Shabeellaha dhexe,inkastoo Qaraxa gaariga loogu xiray waxba ka soo gaarin.

Abaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Qaraxa gaarigiisa loogu xiray,islamarkaana markii la ogaaday ka dib Ciidamada ay ka howlgaleen kana soo saareen gaariga sidaasina ay ku qarxiyeen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada Qaraxa.