Jawaari oo hadal ka jeedin doono kulanka Golaha Shacabka!

Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan kuleh xarunta Golaha shacbka ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenkii golaha Maxmed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa la filayaa in kulankaan hadal  uu ka jeediyo, kaas oo faafaahin kaga bixinaayo iscasilaadiisa.

Shalay oo Arbaco aheed ayaa lagu balan sanay in Jawaari uu hortago baarlamaanka Soomaaliya laakiin waxaa dib u dhac uu ku yimid kulankii kadib markii fariimo Kala duwan loo Kala diray xubnaha baarlamaanka, taas oo keentay dib u dhaca kulankii baarlamaanka.

R/wasaare Xasan Cali Khayre oo xalay Hoygiisa ku booqday Gudoomiyahii xilka iska casilay ayaa warar lagu kalsoon yahay waxa   aay sheegayaan in uu ka codsaday in uusan Khilaafkii isaga iyo prof: Jawaari kaga hadlin Xarunta Golaha shacabka kaliyana uu ka hadlo in sababo jiro awgood xilka isaga casilay balse lama ogo go,aanka uu qaadan doono Prof: Jawaari.