Boob Xoogan oo Ka Bilowday Baraawe Iyo Xiisad Dagaal oo Maanta ka Taagan

Xiisadaan oo u Dhexaysa Dadka Deegaan iyo Maleeshiyaad Hubaysan ayaa ka Taagan Degmada Baraawe ee Gobalka Shabeelah Hoose gaar ahaan Xaafadaha u dhow Garoonka Diyaaradaha iyo Bartamaha Magaalada Baraawe sida ay noo Xaqiijieen dadka Deegaanka iyo Maamulka Degmada Baraawe.

Maleeshiyaadkaan oo la Sheegay inay ka imaadeen Magaalada Baydhabo ayaa la Sheegay inay soo galeen Gudaha Degmada Baraawe, aygoo uusan ogeyn Maamulka Baraawe waxaan u jeedkooda lagu sheegay in ay xoog kula Wareegayaan Xaafada ugu muhiimsan ee Magaaladaasi.

Gudoomiyaha Degmada Baraawe Xussen Bare Maxamed ayaa sheegay in Malelshiyaadkaan ay qalqalgaliyeen amaanka Magaalada islamarkaan ay xoog kula wareegeen Dhul ay leeyihiin dadka rayid ee degmada Baraawe

Gudoomiyaha oo sii hadlayey ayaa Sheegay inay ka gacanka ku dhigaan ku dhawaad 20 ka mid ah raga Hubeysan ee Boobka dhulka ka bilaabay Degmada Baraawe ka dib Howlgal ay fuliyeen Ciidamada Amniga,oo gacan ka helaya Maamulka Degmaeda Baraawe.

Xiisada udhexaysa dadka deegaanada iyo kooxaan hubeysan ayaa si weyn looga dareemay Magalada Baraawe ee Gobalka Shabelaha Hoose inay in kastoo usan dhicin iska hor imaad hubeysan wali