4; ku dhimatay Qarax ka dhacay garoon kubada cagta lagu ciyaaro magaalada Baraawe

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Xoogan oo gelinkii dnabe ee maanta ka dhacay Magaalada baraawe oo ah Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed.

Goobta Qraaxa uu ka dhacay oo eheyd Garoonka lagu ciyaaro Kubada Cagta ayaa waxaa ka socotay Ciyaar Kama danbeys ah taasoo eheyd Koob loo dhigay Ciyaartooy ka kala socotay Kooxo matalayay Xaafadaha Magaalada Baraawe, Jugta Qaraxa waxaa laga maqlay Xaafado abdan oo Baraawe ka tirsan.

Goob Joogayaal ayaa soo sheegaya in dadka Qaraxa noqday ay ahaayeen oo kaliya Shacabkii usoo daawasha tagay Ciyaartan oo lagu soo xirayay Koobka socday Mudada Labada Bil, Waxaa ka qeybgalay 16 Kooxood iyadoo maanta lakala reebayay labaad Koox ee kaliya ee isu soo hartay.

Qaraxa oo ahaa Miinada Nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago ayaa waxaa la dhigay Darbiga danbe ee Garoonka ay Ciyaarta ka socotay, Waxuuna Qaraxa sameeyay uuro xoogan.

Gudoomiye kuxigeenka AMniga Magaalada Baraawe ayaa sheegay in Qaraxa ay ku dhinteen 4 Qof, halka dhaawucuna uu gaarsiisanyahay Lix kale, Dadka waxyeelada gaartay dhamaantood waa Shacab, waloow garoonka ay Joogeen Xubno akmid ah maamulka Magaalada baraawe.

Ciidamada amaanka ayaa Qaraxa kadib, Xarumaha Caafimaadka ula cararay dadkii dhaawacyada qabay oo laba kamid ah la sheegay iney xaaladooda liidato.