Soomaaliya Iyo Indonisia Oo Gaaray Heshiis Taariikhi Ah!!

Dowladaha Soomaaliya iyo Indonisia ayaa ku heshiiyay in la hirgeliyo heshiis labada dhinac ay iskaga kaashannayaan hormarinta dhaqaallaha labada dal.
Kulan heer caalami ah oo u dhaxeeyay wasiirka arrimaha dibadda Indonisia Retno Marsudi iyo wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda Soomaaliya Mukhtar Mahat Da`ud, kaas oo maanta ka dhacay magaalada Jakarta ee xarunta dalkaas.
“Waxa aan hadda inoo socda wada hadallo meel fiican maraya kaas oo nagala dhaxeeya wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda Soomaaliya, waxa aan ka wada hadalnay arrimaha ganacsiga, kulanka waxa aan ku dhiirra gelinay in hey’adaha maxalliga ah ee labada dal lagu dhiiro geliyo in ay iskaga kala gooshaan labada dal,” ayuu wasiirka ka sheegay maalinta labaad ee madasha Indonesia-Africa Forum (IAF).
Indonisia ayaa kamid ah waddamada ugu dhaqaallaha badan qaaradda Aasiya, sidoo kale waxa ay kujirtaa dalalka dhaqaallahoodu sida xowliga ah ku socdo.