Shan Arrin Halis Ah Oo Ka Dhalan Kara Fogeynta Imaaraadka!!!

Dowladda Soomaaliya oo taageerra aan muuqan ka heleysa warbaahinta dowladda Qatar ayaa wada ololle lagu fogeynayo dowladda Imaaraadka carabta oo kamid ah dowladaha ugu saameynta badan daneeyayaasha Soomaaliya.
Todobaadkan ayeey ahayd markii la qabtay diyaarad ay lahayd dowladda Imaaraadka oo lacag 9.6Milyan sidda, taas oo loo waday maamul goboleedyada iyo ciidanka dalka.
Haddana weli waxaa socda olollayaal dadka lagu nacsiinayo dowladda Imaaraadka Carabta, oo Soomaali ahaan faa’iido ay ugu jirto marka lala barbardhigo dhiggooda Qatar.
Haddaba Shabadda Shaaciye ayaa idin soo gudbineysa shan arrin oo halis ah oo ka dhalan kara fogeynta Imaaraadka lagu hayo.
  1. Xiriirka labada dal oo Hoos U Dhaca:- Haddii uu xiriirka labada dal hoos u dhaco waxa ay caqabad ku tahay mar walba dhanka baahida badan oo Ah Soomaaliya.
  2. Dhaqaalle Xumo:- Kumanaan Soomaali ayaa ka ganacsata gudaha Imaaraadka, kuwa kale ayaa kasoo dhoofista dekedaha ay Shaariqa kamid tahay, xawaaladaha Soomaaliya lacagtooda bankiyada ugu badan ee ay ku dhacaan waxa ay saldhigyadoodu yihiin Dubia, Soomaali badan ayaa si gaar ah ugu shaqeysata, kuwaas oo ka badan kuwa ka shaqeysta ama xitaa wadarta kuwa ku nool.
  3. Dowlado Badan Oo Xiriirkoodu Xumaan Karo:- Dowladaha Khaliijka ayaa ah kuwa isku xiran oo aan sinnaba u kala harin islamarkaana isku sirgaxan, haddii midkood ay dowlad xiriirka u jarto kuwa kale ayaa mar walba ku qasban in ay iyagana dhankooda xumeeyaan xiriirka dalkaas, tusaalle Qatar iyo Sucuudiga ayaa isku dhacay, xiisaddooda ayaa gaartay meeshii ugu xumeyd, si lamid ah Qatar waxa ay dhankooda xiriirkooda xumeeyay Imaaraadka, Bahrian Jordan Oman iyo dhammaan dalalka Gobolka ee Sucuudiga ku siyaasadda ah, sidaa darteeda waxaa xumaannaya xiriirka dalalka kale ee aan Imaaraadka ahayn, se ku gaashaan buurta ah, sida Bahrian oo xilli horeba weerartay dowladda Soomaaliya.
  4. Soomaali Badan Oo Saameyn Ay Ku Yeellan Karto:- Boqolaal Kun oo Soomaali ayaa ka shaqeysata sida aan soo sheegnay, kuwa ayaa wax ku barta, kuwana waa ay iskaga nool yihiin dalalka Khaliijka, Qatar ma awooddo in ay dhammaan Soomaalida Khaliijka kusoo kufa in ay qaabbilaan, haddana waxa ay doonayaan in dowladda Soomaaliya ay noqoto mid u gaar ah Qatar xiriir ahaan oo ku saf ah.
  5. Jabhado Iyo Mucaarad Cusub:- waxa ay u badan tahay ama ay tahay ba in Imaaraadka uu soo dhiso ama uu maal geliyo xisbiyo mucaarad oo kasoo horjeesta qorshayaasha dowladda ay damacsan tahay Imaaraadka, taas oo dalka dhibaato ku noqon karta, sidaa darteed go’aankan iyo mowqifka dowladda ee Imaaraadka waa in laga fiirsadaa oo aan lagu deg degin.