Xog ka soo baxasa Muqdisho Weeraro lagu qaaday Saldhigyo kala duwan!

Kooxo hubeysnaa ayaa Xalay bambo Gacmeed waxa ay ku weerareen fariisin Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ay ku leeyihiin Isgoyska Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in Labo Dhalinyaro ah ay Ciidamadda bambadda ku tureen,islamarkaana ay kadib goobta ka baxsadeen.

Dhanka kale bambadda kadib Ciidamadda Dowladda Soomaliya gaar ahaan kuwa Booliska ayaa furay rasaas fara baddan iyadoo aay kaladhalatay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac dad shacab ah iyo askartii halkaas ku sugneed .

Dhanka kale Rag hubeysnaa ayaa labo Bambo Gacmeed ku weeraray Saldhiga Laanta Degmadda Yaaqshid ee gobolka Banaadir.

Ciidamadda amaanka ayaa haatan wada baaritaano, sida goob-joogayaal ay inoo xaqeejiyeen amaanka Muqdisho ayaa maalmahii ugu danbeeyay noqday mid faraha ka sii baxaayo.