SAWIRRO Cabsi soo wajahday Wadayaasha Mootooyinka Bajaajta Muqdisho

Cabsi ayaa soo wajahday dhalinyaradda ku shaqeysta Mootooyinka Bajaajta ka dib markii ay soo baxeen Dumar wata Cirbado ka dibna ku dura dhalinyaraddaasi.

Koox dhalinyaro ah oo arintaasi Cabasho ka ah ayaa maanta Banaanbax ku hor dhigay Xarunta Dambi Baarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, halkaasi oo la sheegay in lagu haayo haweenay Cirbad ku durtay nin Bajaajle ah.

Mid ka mid ah dhalinyarada Banaanbaxa dhigay ayaa sheegay sababta ay u banaan baxayaan inay tahay, Haweenay la sheegay Cirbad Virus Aids ah inay ku durtay nin Bajaajle ah, haweenaydaasi oo lagu haayo Xarunta Dambi Baarista.

Waxaa ay sidoo kale sheegeen in ay doonayaan laamaha Amniga in ay wax ka qabtaan Cabashadda ay qabaan, islamarkaana ay Sharciga marsiiyaan dadka dura Bajaajleyda.

Cid
Cid
Cid 3
Cid 3
Cid 5
Cid 5