Nasrallah “oo kashifay qorshe Mareykanku ku doonayay in lagu laalusho si dagaalka Israel u joojiyo!

Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah ee dalka Lebanon Sheekh Xasan Nasrallah ayaa sheegay in dowladda Mareykanka uu ururkiisa ka codsaday in uu joojiyo dagaalka iyo cabsi gelinta Israel beddelkeedana ay lacag qaataan.

Xasan waxaa uu sheegay in Madaxweynihii hore ee Mareykanka George W Bush, uu Xisbullah ugu baaqay in ay joojiso dagaalka ka dhanka ah Israel dib u heshisiin iyo lacagna ku beddelato.

Waxaa uu sheegay in Ururkiisu uu diiday arrintaas islamarkaana dagaalka ka dhanka ah Israel uu sii soconayo inta gardarrada Israel ay ku heyso dunida Muslimka ah gaar ahaan dadka reer Falastiin.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Dick Cheney,ayaa qorshahan Xisbullah u mariyay Dowladda Imaaraadka Carabta sida uu sheegay Sheekh Xasan Nasrallah.