Xildhibaanno Garabka Jawaari Oo Diiday Baaqashada Kulanka Golaha shacabka

Xildhibaanadii saakay u kalahay xarunta golaha shacabka ayaa wali ku sugan, kuwaasoo diiday inay xarunta ka tagaan, markii laga war helay in is faham siyaasadeed oo ku aadan tanaasul inuu dhacay.
waxaana qaar ka mid ah xildhibaanada ay rumeysan la’yihiin is afgaradkii xalay saqdii dhexe dhacay, maaddaama habeenka galinkii sii hore ay ku ogaayeen Guddoomiye Jawaari mowqif aan kaas ahayn.
Qaar kamida xildhibaanada Golaha shacabka ayaa Xaqiijiyey in Waxaba kama jiraan ay tahay in uu baaqday kulankii Maanta loo Madalsanaa.
Xildhibaan Naciima Maxamed Gacal oo gudaha Xarunta Golaha shacabka warbaahinta kala soo hadasha waxa ay Sheegtay in Garabka Mooshinka Jawaari ka Keenay ay baahiyeen in kulankii baaqay laakiin Hada ay iyagu ku sugan yihiin xarunta kulankuna dhici doono.