DEG DEG:- Guddoomiye Jawaari oo Is Casilay

Sida ay xaqiijiyeen Qaar kamida Xildhibaanada Golaha shacabka waxaa is Casilay Gudoomiye Jawaari, Si dhibaatada taagan loo soo afmeero.
Sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudey ayaa ku dhawaaqay in Guddoomiye Jawaari uu is casilay, maalinta Arbacada uu kulanka guud ee Baarlamaanka khudbad ka jeedin doono.
waxaana hadda Hoolka kasoo dareeray Xildhibaannadii saakay ku kalahay Golaha.
Jawaari wuxuu codsaday oo laga aqbalay in uu khud-bad ka jeediyo fadhiga Golaha maalinta Arbacada, taas oo dhici doonta todobaadkan.