7 Sababood Oo Uu Jawaari Isku Casilayo 9th April 2018 Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Viber “1. Jawaari waa is-casilay kadib markii ay la dagaaleen shaqaalaha dowladda rayid iyo ciidan! 2. Jawaari waa is-casilay kadib markii fulinta oo horay jeebka u geshatay garsoorkii dalka ay hadda laashay sharci-dejinta! 3. Jawaari waa is-casilay kadib markii si bareer ah loo kufsaday sharciga, lagana tallaaban dhammaan cahdiyadii umadda u qornaa! 4. Jawaari waa is-casilay kadib markii ay xukuumadda Kheyre isku-deyday in ay sharaf dil ku sameyso golaha shacabka uu tiirkiisa ahaa! 5. Jawaari waa is-casilay kadib markii la tixgelin waayey aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa qofeed! 6. Jawaari waa is-casilay kadib markii ay ku rideen xanuun, odayga oo hadda sariir saraan, wixii soo gaaro waxaa ma s’uul ah nabad iyo nolol! 7. Jawaari waa is-casilay kadib markii uu yaqiinsaday in dalka Soomaaliya aanu kabiir laheyn, oo caruur loo gacan-geliyay aayihiisa!” W/Q:- Cabdi casiis gurbiye