Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya ayaa Sheegtay in dib u habeyn lagu sameynayo Ciidamada Amaanka ee Muqdisho ee ka howl gala magaalada Muqdisho.
Wareegto kasoo baxday xafiiska wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya mudane Islow Ducaalle ayaa lagu tibaaxay in wax laga baddali doono ciidanka dowladda ee ka howl gala isgoysyada magaalada Muqdisho.
Warkan ayaa imaanaya xilli todobaadkan ay gadoodeen qaar kamid ah ciidamada ka howl gala caasimadda oo ay baneeyeen dhufeysyada.
Haddaba akhriso wareegtada wasaaradda amniga.
