shabaab oo Digniin Culus Usoo diray Shacabka Muqdisho!

Taliska howlgalada Ciidamada  Al-Shabaab ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyay weerarada Ismiidaamin ah ee ay ka fuliyaan gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka Ciidamada Kooxda Al Shabaab ayaa shir Jaraa’id oo uu qabtay wuxuu hanjabaad kulul ugu jeediyay Ciidamada Xoogga Soomaaliya gaar ahaan kuwa xasilinta ee koontaroollada ku leh qaar kamid ah xaafaddaha degmooyinka gobolka Banaadir.

Afhayeenka Dagaalyahanada Al-shabaab ayaa sheegay iney bilaabeen howlgallo Ismiidaamin ah oo ay ku beegsanayaan Koontaroollada ay ciidamada Xasilinta caasimadda ku leeyihiin Isgoysyada Muqdisho.

Dhanka kale Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka Xogaga Al-shabaab ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho ugu baaqay in ay isaga fogaadaan dhammaan baraha Koontarool iyo isku imaatinnada ay ku suganyihiin ciidanka Xasilinta caasimadda ee magalada Muqdisho.

“halkaan waxaan ka diyaraynaa laba Farriimood oo muhiim ah,midda koowaad koontarroolladaas dadka udhow ee muslimiinta ah oo magaalada Muqdisho kunool waxaan leenahay Koontaroolladu waa hadaf iyo bartilmaameed ay Al-shabaab beegsan doonaan sida haddaba ay bilaabatay beegsigoodu waana socan doonaa insha’allaah,Ciidamada dowladda waa lagu beegsan doonaa haddii ilaahey yiraahdo dadka muslimiinta ah ee halkaas ku sugan waxaan leenahay ka dheeraada maxaa yeelay madoonayo in wax dhib ah soo gaaro qof muslim ah ama dhiiggiisu xaq darro ku daato” ayuu Afhayeenka Ciidamada Al Shabaab

Warka kasoo baxay Al-shabaab ayaa kusoo beegmaya xili shalay inta badan la raray ciidamada xasilinta caasimada ee ku sugnaa jiray baraha koontarool ee magaalada muqdisho, laguna badalay ciidamo kale oo katirsan dowladda gaar ahaan kuwa booliska Soomaaliyeed.