SAWIRRO: Taliyaha cusub ee Ciidamada Madaxtooyadda oo xilka la wareegay

Taliyaha cusub ee ururka

60Aad Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya Gashaanle Odowaa Yuusuf Raage iyo Abaadulaha ururka60Aad Ilaalada Madaxtooyada Laba xidigle Dayax Abdi cabdulle ayaa Maanta la wareegay Xilka ka dib markii dhawaan xilka laga qaaday Taliyihii ciidamada Madaxtooyadda Afcaddeeye.

Hoggaanka cusub ee Ciidamada Madaxtooyadda ayaa ah dhalinyaro , waxaana uu taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Madaxweyne Farmaajo ay isla garteen in dhalinyaro loo dhiibo Hoggaanka ciidamada xoogga.

Taliyeyaasha cusub ee dhalinyaradda ah ayaa dad badan waxa ay Aaminsan yihiin in ay waxbadan kusoo kordhin doonaan Shaqadda ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyahii Hore ayaa waxaa loo badalay kadib markii uu ka dhaga adeegay in uu ilaalada Gudoomiyaha Golaha shacabka Jawaari diiday in uu ka wado taaso keentay in xilka laga qaado.

1 3
1 3
30226800 2038797306378668 4809006518224896640 N
30226800 2038797306378668 4809006518224896640 N
30414854 2038797239712008 5973726557578485595 N
30414854 2038797239712008 5973726557578485595 N