Halkee la geeyayay Ciidanka Xasilinta Caasimada Maamulka G/Benaadir oo ka hadlay!

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay sababtii Ciidamadda Xasilinta Caasimadda loogu raray dhamaan kontorooladii ay ku suganaayeen ee Magaaladda Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir Cabdi Fitaax Cumar Xalane oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Booliiska ay kusoo biireyn baaritaanada baraha Kontorool ee wadooyinka qaar halka markii hore ay kali ku ahaayeen Ciidamada NISA oo kaliya.

Ciidamadda Xasilinta Caasimadda ayaa laga raray inta badan fariisimadii ay ku lahaayeen jidadka magaalada Muqdisho, sida Seybiyaano, Digfeer, Tarabuunka, Shiikh Cali Suufi iyo Howl wadaag.

Ciidamada Booliiska ayaa lagu wareejiyay dhamaan Kontorooladda ciidan ee Magaalada Muqdisho.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya  in Ciidamadda Xasilinta qaarkood la xareeyay halka kuwa kalana la geeyay Wadooyinka warshadaha iyo sodonka.