Akhriso Xogta Halka Loo waday Lacag Lagu qabtay Gudaha Garoonka Aadan Cadde

Warar goor dhow aan ka helnay garoobka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegaya in diyaaradda lacagta siday ee garoonka lagu qabtay ay siday lacag gaareysa 13 milyan oo dollar, kaasoo qeyb ka mid loogu tala galay Ciidamada Puntland ee ay tababareen Imaaraadka Carabta iyo qeyb u socotay Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho.
Wararka ayaa intaa ku daraya in diyaaradda ay la socdeen illaa 30 askari oo Imaaraadka ah, waxaa markii ay soo degtay la isku qabsaday in la baaro waxa ay sido, hase ahaatee diblomaasiyiinta Safaaradda Imaaraadka Carabya ee Muqdisho ayaa diiday in la baaro, iyagoo ku dooday in xasaanad diblomaasiyadeed ay leeyihiin, maadaama agabka ay u socoto Safaaradda.
Ismaandhaafka jiray ayaa markii dambe waxaa ku soo baxay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, waana loo fasaxay markii dambe.