Nin Somali ah oo dili rabay Boqoradda UK oo la xukumay

Aweys Shikhey oo 38 jir Soomaali ah ayaa lagu helay in uu qorsheeynayay in uu dilo Boqoradda Dalka Ingiriiska iyo Taageerayaal kubadda Cagta ah.
Maxkamad ku taalla Xaafadda Tottenham ee Waqooyiga Magaalada London ayaa Aweys oo sidoo kale heysta dhalashada Dalka Holland ku xukuntay  8 Sano oo Xabsi ah.
Waxaa kale oo lagu eedeeyay in uu daacad u yahay Ururka Daacish ee Ciraaq iyo Syaria,Maxkamadda ayaa sheegtay in uu qorsheynayay in uu ku biiro Daacish kaddibna uu dilkaas fuliyo.
Barnaby Jameson, oo ah dacwad oogaha Maxkamadda ayaa sheegay in Aweys uu doonayay in uu weerar ku qaado Garoonka Kubadda Cagta White Hart Lane, ee ay ku ciyaarto Kooxda Totteham ee Dalka Ingiriiska.
Sheekhey waxaa uu ku noolyahay Waqooyiga Magaalada London,waxaa uu £10,000 ka amaahday Bangiga Barclays ,waxaana uu sheegay in uu lacagtaas ku guursanayo.
Hayeeshee Lacagtaas ayaa la ogaaday in uu u dirayay Gabar ay Internet-ka saaxiib ka yihiin oo lagu magacaabo Raaqiya Xuseen oo joogta Norway.
Xigasho:- Mustaqbal Radio.