Saacadaha soo aaddan ayaa la filayaa in ay wada fadhiistaan dhinacyada isku haya loollanka golaha shacabka Soomaaliya, si xal loogu raadiyo arrintaas.
Siyaasiyiin ka madax banaan labada dhinac ayaa loo wakiishay in ay xal u raadiyaan guddoonka Baarlamaanka, ka dib markii uu galay muddo 15 cisho oo qal qal siyaasadeed ah.
Si kastaba ha ahaatee golaha shacabka ayaa ku kala geddisan arrinta Baarlamaanka waxaana loo kala baxay qolo taabacsan guddoomiyaha rasmiga ah ee Baarlamaanka Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari iyo kuwa raacsan xukuumadda kuwaas oo gadaal ka riixaya guddoomiye kuxigeenka Cabdiweli Muuddeey.