Ciidamada xasilinta Oo Gadood Awgiis U Baneeyay Isgosyada Muqdisho

Ciidamadii xasilinta Muqdisho, ayaa ka guuray inta badan fariisimadii ay ku lahaayeen jidadka magaalada Muqdisho.
Marqaatiyaal ayaa ii sheegay in ciidamadu ay ka guureen fariisimadii Seybiyaano, Digfeer, Tarabuunka, Shiikh Cali Suufi iyo Howl wadaag.
Lama yaqaano sababta rasmiga ah ee ay ciidamadu u faarujiyeen gobahaas oo ay joogeen 6dii bilood ee lasoo dhaafay. Arrintan ayaa imaaneysa 24 saac kadib markii la weeraray labo fariisin oo ay ciidamadu ku lahaayeen Seybiyaano iyo KM4.