‘Mooshin ka Dhan Ah Maxda Hirshabelle oo la diyaarshay Xogmiima!

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in la diyaariyay mooshino kala duwan oo ka dhan ah madaxweynaha Hirshabelle iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi.

Xildhibaano katirsan baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle oo ku sugan magaalada muqdisho ayaa diyaariyay mooshin ka dhan ah Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, halka mooshinka labaad laga diyaariyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cusmaan Barre Maxamed.

Waqti baddan oo aan galinay inaan soo helno sababta rasmiga ah ee ka danbeysa mooshinada laga wado madaxweynaha Hirshabeelle iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi, ayaa waxaan ku ogaanay daba gal aan sameynay sababta gadaal ka riixeysa mooshino hal mar ah oo is wata lagana diyaariyay, madaxda ugu sareysa maamulka Hirshabeelle sida Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo gudoomiyaha Baarlamaanka maamul gobaleedka Hirshabelle Cusmaan Barre Maxamed.

Xildhibaanada ku sugan magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ayaa diyaariyay mooshin ka dhan ah Cusmaan Barre Maxamed gudoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle, kaasi oo ay ku eedeeyeen inuu isaga maqan yahay dalka dibadiisa, iyada uu furan yahay fadhiyada caadiga ee Baarlamaanka maamulkaasi, waxey sido kale ku eedeeyeen inuu hakad ku yimid howlahii shaqo golaha sharci dajinta maamulka hirshabeelle, oo ay sheegeen in xildhibaanadii intooda baddan dibad joog laga wada dhigay.

Dhanka kale xildhibaanada mooshinka ka wada gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, ee sugan magaalada muqdisho ayaa la sheegay iney yihiin xildhibaano dhawaan uu gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi, ugu diray qaab dalxiis ahaan Magooliyinka Nairobi iyo Mombasa ee Kenya, kadib markii ay soo noqdeen ay ka war heleen in mooshin laga diyaariyay gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle, arintaasina ay ku qasabtay xildhibaanada taageersan gudoomiyaha Baarlamaanka, iney mooshin shaqo gudasha la aan ah ka diyaariyaan Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Xildhibaan Nuur xaashi oo kamid ah xildhibaanada maamulka Hirshabelle  ayaa sheegay iney diyaariyeen mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cusmaan Barre Maxamed, oo ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Nuur xaashi oo sii hadlayay ayaa ku sheegay sababta ay mooshinka uga diyaariyeen Madaxweyne Waare  xildhibaanada ku garabka ah gudoomiyaha Baarlamaanka hirshabelle, iney tahay iney doonayaan inuu bur-bro mooshinka laga wado gudoomiye cismaan, oo ay tahay ujeedkooda in rabaan in wada hadal laga galo mooshinka ka dhanka ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle.

Mooshinada ka socda magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ee ka dhanka ah Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cusmaan Bare Maxamed, ayaa la ogeen halka ay ku dhamaan donaan is fahan ama in uu cirka isku sii shareero mooshinkasi.

Balse wixii ku soo kordho dib baan ka soo gudbin doona Haduu Alle idmo