DEG DEG:Qarax labaad oo Muqdisho ka dhacay!

Wararka inaga soo gaaraya Isgoyska Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow halkaasi uu ka dhacay qarax gaari gaar ahaan Barkontorool oo aan sidaas uga fogeyn Isgoyskaasi.

Ciidamada ayaa marka hore gaariga ka shakiyay, waxayna uga digeen shacabka in ay u dhawaadaan, ciidamada oo ku howlan in ay xiraan wadada ayuu marqura gaariga qarxay.

Kahor inta uusan qaraxa dhicin ayaa Ciidamada waxa ay rideen rasaas ay ku kala eryanayeen dadka shacabka ah, si dadka aysan halkaasi ugu soo dhawaan.

Wariyeyaal goobta ka akdhawaa ayaa  sheegay in qaraxan ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah iyo Ciidamo ku sugnaa Bartakontorool.

Gaadiidka gargaarka deg dega ah ee Ambalaasta ayaa ku sii qulqulaya goobta uu qaraxa ka dhacay, Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale tagay goobta.

Duhurnimadan ayay aheyd markii qarax gaari uu ka dhacay wadada aada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lala beegsaday Barkontorool oo ay ku sugnaayeen Ciidamada.