DAAWO: Muqdisho oo lagu qabtay Tartanka Orodka gaaban (Mini Marathon).

0

Waxaa Maanta Muqdisho lagu soo gabagabeeyay tartanka Maalinta horumarinta Sportiga Adduunka iyo sidoo kale Maalinta Orodka gaaban ee Muqdishu Mini Marathone.

Tartanka ayaa waxaa ka qayb galayay 370 Orod yahan oo ka kala socda 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir, iyadoo Degmo waliba laga soo xulay 22 Ciyaartooy oo u badan kuwo da’ yar ah.

Tartanka oo kasoo billaawday Aargada KM 4 laguna soo gabagabeeyay KM O, ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiiradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Khadiija maxamed Diiriye, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) , Guddoomiyaha sportiga Gobolka Banaadir Xasan Xaaji yabaroow iyo masuuliyiin kale.

Maalinta caalamaiga ah ee horumarinta Sportiga Adduunka, ahna Maalinta Orodka gaaban ee Muqdisho 6-da April ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay quburo ku xeel dheerayaal Orodka uu ka mid ahaa halyeey Cabdi Bile Cabdi iyo tababarayaal kale oo Taariikh ku leh Dalka Soomaaliya.

HALKAAN HOOSE KA FIIRSO

You might also like More from author

Leave A Reply