DAAWO: DEG DEG Xildhibaano ka hadlay talaabadii Ciidamada amnigiisa Sugayay G.Jawaari looga qaaday Villa Hargaisa!

Xildhibaanada la baxay Guddiga Badbaadada Baarlamaanka ayaa shir jaraa’id ay qabteen waxay ku baaqeen in Guddoomiye Jawaari dib loogu soo celiyo Ciidamadii Ilaalinayay oo la xiray, qaarkood lagu amray inay xarunta ka soo tagaan. Xildhibaanada ayaa sheegay in Taliyeyaasha Ciidamada aanay dhex dhexaad aheyn.

Ciidamada Ilaalinayay Xarunta Villa Hargeysa iyo Ammaanka Guddoomiye Jawaari ayaa ka tirsan Ururka 60aad Ilaalada Madaxtooyada oo hoos taga Taliska Ciidamada Xoogga dalka.

Xildhibaanadaan ayaa sheegay in la doonayay in Xildhibaanada lagu dhex garaaco gudaha Xarunta Golaha Shacabka maadama meel fog ilaaladooda lagu soo reebay Amaankoodana halis galay iyaga oo sidoo kale ka dhawaajiyay in saxaafada Maanta qaar la handayay qaarna la laalushay si aynaan wararkaas u baahin.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO