Xildhibaan Fiqqi Muxuu Ka Yiri Ciidankii Lasoo Dhigay Xarunta Baarlamaanka?!!!

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqqi oo kamid ah garabka taageersan guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in ciidanka kusugan xarunta Baarlamaanka ay yihiin kuwa si gaar ah u ilaallinaya guddoomiye kuxigeenka golaha shacabka Mudane Cabdiweli Muuddey, kaas oo uu ku tilmaamay in ay sharci darro tahay.
Haddaba Hoos ka akhriso qoraalka xildhibaanka uu soo dhigay bartiisa Facebook ga.
“Xildhibaanada badankoodii uma aysan suurtagalin in gudaha hoolka golaha shacabka ay galaan, waxaana gudaha barlamaanka iyo hareerahiisaba soo buux dhaafiyey ciidamo labisan oo si aad ah u hubaysan, ayna ka muuqato in hawlgal (mission) gaar ah loo soo xilsaaray.
Dhanka kale saakay 0600am ayaan ka mid ahaa xildhibaanno xarunta baralmaanka soo gaaray, shakki weyn ayay ka qabeen xildhibaanadu joogitaanka ciidamada, waxeyna noo sheegeen taliyaashii booliska ee ciidamadaas hogaaminayay in amar iyo tilmaan lagu soo siiyey in 100 askari oo boolis ah gudaha hoolka ay galaan oo ilaalinaya Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee G-Shacabka Md.Muudey taasoo u muuqata in ay tahay tallaabo sharcodarro ah oo fulinta hawl sharcidarro ah la huwiyey.
Si kastaba waxaa Xildhibaanada ka go’an in ay u adkaystaan kuleylka qoraxda iyo caga-juglaynta muuqata ayagoo u hiilniya sharciga iyo dastuurka dalka sarreyntiisa.”