Xarunta dhexe ee shirkada You Tube ee Mareykanka oo la weeraray!

Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya weerar toogasho ah oo lagu qaaday xarunta dhexe ee shirkada You Tube ee magaalada San Bruno ee waqooyiga California ee waddanka Mareykanka.

Gawaarida gurmadka degdega ah ayaa gaaray goobtay halka booliskuna ay dadka rayidka ah uga digeen inay ka fogaadaan aaggaasi.

Shirkadda Google oo iska leh YouTube ayaa sheegtay inay baarayso weerarkaas lagu qaaday xarunta dhexe ee shirkada You Tube ee magaalada San Bruno ee waqooyiga California ee waddanka Mareykanka, isla markaane dib ay faafaahin ugu bixin doonto khasaaraha ka dhashay weerarkaas, qaabka uu u dhacay iyo waxa dhaliyay intaba.

Qaar ka mid ah shaqaalaha YouTube ayaa sheegay inuu jiro qof halkaasi toogasho ka wado, hasayeeshee arrintaasi ayaanan weli la xaqiijin.

Todd Sherman oo ka mid shaqaalaha shirkadda YouTube ayaa sidoo kale bartiisa Twitterka ku soo qoray in dadkii ku sugnaa dhismaha ay ka argagaxeen rasaasta ay maqleen.