Waa Kuwee Xildhibaannada Loo Oggolaaday In Ay Hubkooda La Galaan Gudaha Aqalka Baarlamaanka

Sida ay sheegayaan warar aan ka heleyno aagga xarunta Baarlamaanka, qaar kamid ah xildhibaannada qaranka ayaa loo oggolaaday in ay gudaha ula galaan hubka halka kuwa kalena loo diiday in ay sidaas sameeyaan.
Waxaa Laga cabsi qabaa in uu isku dhac ka yimaado ciidamada sedexda gudoomiya oo hoolka kuwada sugan, waxay Gaarayaan in kabadan 60- Askari (Lixdan askari )waxaa socda dadaalo ku aadan sidii ciidamada sedexda Gudoomiye looga saari lahaa hoolka Baarlamanka, waxaa la soo gelin doonaa hoolka Baarlamanka, sida wararku sheegayaa ciidamo qaas ah oo u siman sedexda Gudoomiye si loo ilaaliyo isku dhac ciidamada kala taabacsan sedexda Gudoomiye.
Xaaladda ma ahan mid sahlan, cid kasta looma oggolaanayo oo waxaa baaritaan qeyb ka ah eeyo ay wataan saraakiil caddaan ah oo ka shaqeynaya ammaanka aagga xarunta.
Weli kala aragti duwanaashaha xildhibaannada ayaa jirta, iyadoo maanta qorshaha uu yahay laba ajendde oo kala duwan looga hadlo.