Muqdisho qaraxii Caawa oo sababay Khasaaro 10 Ruux iyo Masuul G/Banaadir katirsan oo ka bad baaday!

Qaraxii Caawa  ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Sanca Xaafada Iskool  godeey Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir,ayaa la sheegay in uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Qaraxa ayaa lala eegtay Gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia balse qasaaro baddan ka soo gaarin,waxaana la sheegay in ku dhawaad 10 Ruux oo Shacab ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen.

 Gaariga ayaa waxaa la socday Gudoomiye ku xigeenka amniga Iyo Siyaasada degmada Deeyniile oo lagu magacaabo Axmed Nuur Adeerow,waxana badi dadka wax ku noqday ay yihiin Shacab Salaad ku soo dukaday Masjid u dhow Iskuul Godey oo ku yaalla meel aan ka fogeyn goobta uu qaraxa ka dhacay waxaaana sidoo kale laba Kamid ah Ilaalada Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Deyniile soo  gaaray dhaawac.

Ciidamada ammaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay, waxayna xireen wadada, iyaga oo halkaasi caawa ka wada baaritaano ku aadan sidii looga daba tagi lahaa raggii falkan geystay.

Xalay ayay aheyd markii Guddoomiye kuxigeenka dhinaca ammaanka iyo siyaasadda degmada Wadajir qarax Miino lagula eegtay meel ku dhow Isgoyska Danwadaagta ee degmadaasi, Hal Askari ayaa uga dhaawacmay.