SAWIRRO: Beel Weynta Abgaal oo Qaadacday Heshiiskii Galmudug iyo Ahlusuna, Ka dib Xadgudub Awood Qaybsiga!!

Kulan ay Maanta Ku yeesheen Waxagaradka Iyo Odayaasha  Beel Waynta Abgaal Magaalada Muqdisho ayaa Waxa ay Sheegeen in ay Xariirka ujareen Maamulka Galmudug.

Kulankaan oo Ka dhacay Muqdisho ayaa Waxaa Lagu Sheegay in Beesha ay Ka Xumaatay Qaabkii Awooda Loo qaybiyay Kadib Markii La Mideeyay Maamullada Galmudug iyo Ahlusuna Waljameeca.

“Beesha Abgaal waxay Soo go’aansatay in ay Isaga baxdo Maamulka Galmudug, Xildhibaanadeedana ay Kala soo baxayso, Kadib Markii Aysan Helin Awood qaybsiga Beesha wacaysle ee Abgaal umetela Galmudug aysan Xubin Ka Helin ay Ku Qanacdo, ayaa Lagu Yiri Warka Ka soo baxay Beesha Abgaal.

Sidoo Kale Waxay Sheegeen in aysan Jiri Doonin Wax ay Ku qancaan oo ay Ka Heleen Isku dhafkii Galmudug.

” Beel Waynta Abgaal oo Haysata 3 Degmo oo Galmudug Ka Tirsan ayaana Haysan Wax Awood ah oo ay u qalmaan, Maadaama ay jiraan Awooda Kale oo Ka Hooseeya oo Xilal Sar sare ka Haysta Maamulka Galmudug.

20180403 121436 640x384
20180403 121436 640×384
20180403 121448 640x384
20180403 121448 640×384
20180403 121452 640x384
20180403 121452 640×384
20180403 121457 640x384
20180403 121457 640×384
20180403 121506 640x384
20180403 121506 640×384
20180403 121513 640x384
20180403 121513 640×384
20180403 121522 640x384
20180403 121522 640×384
20180403 121526 640x384
20180403 121526 640×384