Muuqaal Naxdin Leh:- Qoys Ku Nool Hargeysa Oo Darbiyada Hoostood Ka Raadinaya Caruur Ay Dhaleen Oo Uu Daad Qaaday!!!

Ka hor inta aadan daawan muuqaalkan fadlan haddii aadan u dulqaadan karin ha daawan.
Waa muuqaal dareenkiisa wata, qoys Ethiopian oo ku nool Hargeysa islamarkaana qaxooti ah ayaa dhibaato adag u dareemay roobabka gu’ga ee deegaannada Soomaaliland ka curtay.
Qoyska waxaa dumay guryahooda oo ahaa kuwa aan u dulqaadan karin biyaha iyo roobabka, dadka deegaanka ayaa usoo gurmaday oo kaga kaalmeeyay sidii ay inta hartay ee caruurtood uga badbaadsan lahaayeen daadadka iyo dhibta ka jirta aaggooda.
Haddaba daawo oo ku daawo dareen Benii Aadamnimo.