Degmada Kaaraan oo lasoo dhigay Meydka qof Dhaawacyo ka muuqdo!

Wararka aynu ka heleyno Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in dadka Degmadaasi ay Saakay arkeen Meydka qof Dhaawacyo ka muuqdo oo aanan la bargaran.

Dadka deegaanka  ayaa sheegay in Jismi ahaan uu isbadalay qofka Meydkiisa ay ku arkeen Degmadooda, jirkiisana ay ka muuqdeen Dhaawacyo jirdil kaga soo gaaray sidoo kalane uu ka muuqdo Xarig u ekaa in lagu xir-xiray.

Waxa ay intaa raaciyeen in uu bararsanaa qofkaasi ayna sheegeen in uu ula muuqday qof la dilay Maalin kahor.

Ciidamada Degmada Kaaraan ayaa kolkii dambe gaaray Laanta Nageele Degmada Kaaraan oo lasoo dhigay Meydka qofkaan.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa  sheegay in aanan wali ka dhicin degmadooda dhacdo tan lamid ah.

Gudoomiyaha Degmada Kaaraan oo aynu la xariirnay ayaa inoo sheegay in ay baaritaano ku wadaan falkaasi.