Xildhibaano ka tirsan BF oo Beeniyay in ay Sixiixeen Mooshinkii laga gudbiyay Jawaari!

Xiilibaano ka tirsan golaha Shacabka ayaa beeniyay in ay sixiixeen Mooshinkii laga gudbiyay Gudoomiyaha Golaha Shacab Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Magaca iyo Sixiixa Xildhibaanadaan ayaa kasoo muuqday Waqraddii ay ku qornaayeen Magacyadda xildhibnaanada Sixiixay mooshinka.

Xildhibaanadaan  wararkaas beeniyay islamarkaana sheegay in laga been abuurtay waxaa ka mid ah Xildhibaan farxiyo Maxamuud dhaqane Iyo Xildhibaan Yuusuf ibraahim afrax.

Marka laga soo tago in saxiixooda Iyo magacyadooda ay ku jireen warqadii ay qoreen Xildhibaanadii mooshinka Gudbiyay waxa xusid mudan in Xildhibaanadaani  ay ka mid ahayeen kuwa la safnaa Gudoomiye jawaari.