Uganda oo sheegtay in Ciidamo looga dilay dagaalkii Buulo mareer!

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in Askar ka tirsan Ciidamooda oo kamid ah Howlka Midow Africa ee Soomaaliya ay ku dhinteen Dagaal shalay ka dhacay Deegaanka Buulo mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Afayeenka military-ga Uganda,  Richard karemire ayaa Wakaalada AP u sheegay in Afar Askari ay uga dhinteen dagaalkii ka dhacay Buulo mareer, islamarkaana Afar kale ay uga dhaawacmeen.

Richard karemire ayaa sidoo kale sheegay in 22 Dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab ay Dagaalkaasi ku dhinteen.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sheegay in 14 dagaalame ay uga dhimatay Weerarkii ay ku qaadeen Degaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabelaha Hoose.

Afayeen Howlgaladda Al-shabab, Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in 59 Askari ay AMISOM uga dileen weerar Qaraxyo iyo Dagaal toos ah isugu jiray oo Buulo mareer ka dhacay Axaddii