Maxaabiis Somali ah kuna xirnaa Iraan oo maanta la keenay Dalka

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari waxaa maanta soo gaaray tiro Maxaabiis Soomaali ah oo ku xirnaa Dalka Iraan.

Maxaabiistan waxaa ay tiradadoodu gaareysaa 24,waxaana lagu sheegay in ay ahaayeen Ganacsato laga afduubay Xeebaha Dalka Imaaraadka Carabta kaddibna la geeyay Dalka Iraan.

Waxaa ay dalka Iraan ku xirnaayeen muddo shan sano ah,iyaga oo maanta dalka dib loogu soo celiyay,islamarkaana hadda ay ku suganyihiin Magaalada Boosaaso.

Axmed Cabdi Dhuxul oo ka mid ah Maxaabiista maanta timid Boosaaso ayaa u sheegay Warbaahinta in markii la qabanayay lagu eedeeyay in ay shidaal sharci darro ah ka ganacsanayeen.