Farmaajo oo ka hadlay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Ethiopia!

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi (Farmaajo) ayaa khadka Telefoonka ugu hambalyeeyay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Aby Ahmed oo maanta oo Isniin ah loo dhaariyay Xilka Ra’iisul Wasaarenimo ee dalkaasi.

“Waxaan u xaqiijiyay inaan ka dhabeyno xiriirkeena labada dal si kor loogu qaado ganacsiga, Maalgashiga iyo in la xoojiyo Amniga Gobolka, waxaana shaki ku jirin in Ra’iisul Wasaare Aby Ahmed xoojin doono wada shaqeynteena.” Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya mar uu khadka Telefoonka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya.

Baarlamaanka Itoobiya ayaa Ra’iisal Wasaare u doortay Abi Axmed, waxaana mar uu maanta ka hadlayay Munaasabadda xilka loogu dhaarinayay sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay in ay Eritrea kala shaqayso sidii loo xalin lahaa muranka u dhaxeeya labada dal, iyada oo loo marayo wadada wada xaajoodka.

Bishii March 27, 2018, Xisbiga haya talada wadanka Ethiopia ayaa Abi Axmed u doortey inuu noqdo Guddoomiyaha Xisbiga kadib markii uu xilka iska casiley Ra’iisul Wasaarihii hore ee Hilamariam Desaglen kadib markii wadanka ka dhaceen kacdoono badan oo looga soo horjeeday maamulkiisa kuwaas oo ay hor kacayeen Qowmiyadda Oromada.