Faarax Cali Maxamed (Faarax Gololey). Maxaad ka xasuusataa xikmadihiisa?

Magaciisa iyo murtidiisa waxa ay buux-dhaafiyeen keydadka sooyaalka Soomaalida. Sidaas oo ay tahayna, ma badna xogaha laga haayo sooyaalka noloshiisa!

Ma ahayn nin aqoonta casriga ah ee hadda la yaqaan ka soo qalinjebiyay. Haddana, xikmadda iyo aftahannimadaba haddii ay jiri lahayd jaamacad looga baxo, shaki ka ma taagna in derajooyinka ugu sarreysa uu isaga ka qaadan lahaa!

Xilli ku beegan 1904-tii ayaa uu ku dhashay deegaan ay dadkiisu beeraleey yihiin oo lagu magacaabo Taytaylay, mar dambena noqday Balcad.

Beeraleynimadu waxa ay ahayd shaqadii ugu horreysay ee uu qabto. Markii uu hanaqaadayna, waxa uu yeeshay xirfado kale oo ay ka mid tahay darawalnimada.

Mar hore ayaa ay dadku barteen hibadiisa hadal-aqoonista iyo howraar-samaanta ah. Waxa uuna deegaankiisa ka noqday nin murti iyo maad xikmadaysan loogu soo martiyo.

1964-kii ayaa uu degmada Balcad ka soo galay Baarlamanka. Waxaa uu siyaasadda ku jiray illaa ay dowladdii milatarigu xukunka qabsatay.

1976-kii ayaa uu geeriyooday, waxaana lagu aasay Balcad, isaga oo ifka ku dhaafay dhaxal isugu jira dad iyo xikmado ku daabacmay keydadka taariikhda.

Xikmadahiisa filo dhawaan