Duqeyn Lagu Laayay Dad Shacab ahaa oo Ka Dhacday Gobolka Jubadda Hoose?

Wararka laga helayo Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in shalay galinkii dambe deegaan lagu magacaabo Kaamjaroon oo qiyaastii 95 KM dhinaca Koonfureed kaga beegan Magaalada Kismaayo ay ka dhacday duqeyn lala beegsaday dad shacab ahaa.

Duqeyntan oo ay fuliyeen diyaarado Drones ah ayaa waxaa la sheegay in lagu beegsaday dad shacab ahaa oo ku sugnaa guri ku yaala deegaanka Kaamjaroon.

Inta la xaqiijiyay waxaa duqeyntaan lagu dilay seddex ruux, iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeen afar qof oo kale.

Dadka duqeynta ku dhaawacmay ayaa waxaa dhaawacooda loo qaaday isbitaalka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose.

Dhanka kale Xildhibaan Iftin Xasan Baasto oo kamid ah Xildhibaanadda Aqalka Sare ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in diyaaradaha dagaalka ay duqeeyaan goobaha ay ku sugan yihiin dadka shacabka ah.

Waxa uu sheegay in arintaan ay kala hadli doonaan maamulka Jubba-land iyo Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.