Diyaarad Qaad Sidda Oo Lagu Rasaaseeyay Magaalada Jowhar

Diyaarad Qaad ayaa lagu soo rasaaseeyay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar, waxaana arrintan salka ku heysa muran u dhaxeeya Ganacsatada Qaadka keenta.
Saraakiisha ammaanka oo aan la xiriirnay inooma suurtagalin in aan ka wareysanno arrinta ku aaddan rasaaseynta Diyaaradda.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay rasaaseyntaas, ha yeeshee waxaa loo badinayaa in arrimaha canshuurta la isla keeni waayay taasna ay sabab u tahay, ha yeeshee lama oga oowaxa dhabta ah ee jira.
Wixii warar ah oo kusoo kordha dib ayaan idinkala soo socodsiin doonnaa inshallah.