Dad Ku Geeriyooday Dhismaha Shaneemo Ikwatoor Oo Dumay

Saddex qof ayaa ku geeriyootey Lix kalena waa lagu la yahay kadib markii uu kusoo dumay guri ay ka dhisayeen Shineemo hore Ekwadoor ee KM-4, magaalada Muqdisho.
Waxaa socoda dedaal xooggan oo lagu raadinayo dadka kale ee goobta lagu la yahay, sida ay soo sheegayaan wariyeyaal ka tirsan warbaahinta maxaliga ah.
Gurigan ayaa dhismihiisu bilow ahaa, balse wuxuu hoos u qodnaa dhowr Mitir.
Lama oga waxa sababay inuu gurigan dumo, waxaana goobta gaaray dadweyne badan iyo sidoo kale gaadiidka gurmadka ee magaalada Muqdisho.