Saddex qof ayaa ku geeriyootey, 3 ayaa dhaawac ah, tiro badanna waa lagu la’yahay kadib markii uu kusoo dumay guri ay ka dhisayeen Shineemo hore Ecuador ee KM-4, magaalada Muqdisho.
Waxaa socoda dedaal xooggan oo lagu raadinayo dadka kale ee goobta lagu la yahay, sida ay soo sheegayaan wariyeyaal ka tirsan warbaahinta maxaliga ah.