Villa Soomaaliya Oo Markan U Weecaneysa Burburinta Aqalka Sare

Markii ay ku fashilmeen burburinta golaha shacabka Soomaaliya, islamarkaana uu jabay mooshinkii ka dhanka ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Mudane Max’ed Sheekh Cismaan Jawaarri, markan Villada ayaa usoo jeedsaneysa sidii ay u burburin lahayd aqalka sare ee Soomaaliya.
Villada ayaa isku dayeysa in ay gacanta ku dhigaan ugu yaraan mid kamid ah saddex da guddoomiye iyo guddoomiye kuxigeen ee aqalka sare ee Soomaaliya, si ay ula loollamaan aqalka hoose.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in guddoomiyaha aqalka sare Cabdixaashi ama kuxigeenkiisa Abshir Axmed laga keeni karo mooshin lagu cadaadinayo in booska xoog looga marooqsado.
Haddii ay talaabadan dhacdo waxaa suurta gal ah in ay kula loollamaanka aqalka hoose iyo Jawaarri oo xoog iyo mooshin wax looga qaadi waayay, cagsiga waxa ay noqoneysaa in aqalka sare la geeyo qof ay wadato Villa kaas oo diida ama hoos u dhiga waxyaabaha aysan dooneyn in laga hadlo, taas oo fududeyneysa in ay iskula wareegto waaxda sharci dejinta, garsoorka iyo fulinta.
Dad badan ayaa dhaliilsan nidaamka is balaarrinta ku dhisan ee dowladda dhexe waddo, taas oo keeni karta dhibaato hor leh.
Si kastaba ha ahaatee waa talaabo kale oo dib u dhac keeni karta sida ay qabaan dadka falanqeeya siyaasadda maaddama ay tahay dib u noqosho in la burburiyo wixii dhowrka sano lasoo dhisayay.