Goorma Ayeey Kenya Dib U Bilaabeysaa Dhismaha Darbiga Xuduudda?!!!

Gudoomiyaha Degmada Mandhera Fredrick Shisia, ayaa sheegay in dib loo bilaabi doono dhismaha darbiga xuduuda u dhaxeyso Kenya iyo Soomaaliya, bartamaha bishan April.
Dhismaha darbiga u dhaxeeyo xuduudaha Kenya iyo Soomaaliya, oo horay khilaaf badan u dhaliyay ayaa masuuliyiinta labada dooladood waxa ay xaqiijiyeen in si kumeel gaar ah  loo joojiyay siiwadida dhismaha darbigaas.
Godoomiyaha Degmada Mandhera ayaa sheegay in dowladda Kenya, ay ka go’antahay sii wadida dhismaha darbiga u dhaxeeyo xuduudaha Soomaaliya iyo Kenya, dibna loo bilaabi doono bartamaha bishaan April.
Dowladda Kenya ayaa soomaaliya ku eedeysay in ay buun buuninayso warar aanan waxba kajirin oo ah in Kenya ay gudaha u soo gashay dhul ay leedahay soomaaliya.
Shisia, ayaa ku doodaya in ujeedka dhismaha darbiga uu yahay sugida amniga asagoona tusaale u soo qaatay in Al-shabaab dhawr jeer ay weerar ku soo qaadeen degmooyin iyo tuulooyinka u dhaw dhaw xuduuda ay lawaagaan soomaaliya sida Fino, Omar Jillow, iyo Arabia kuwaas oo uu sheegay in kayar 20km ay u jiraan xuduuda ay lawadaagaan soomaaliya
Dabayaaqadii bishii aynu soo dhaafnay ayay ahayd markii wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Ahmed Issa Awad, oo kulan uu kula yeeshay Nairobi, dhigiisa wasiirka arimaha dibadda Kenya Monica Juma,kulankaas oo ay kula lafa gureen sidii loo hakin lahaa darbiga laga dhisayo xuduuda u dhaxeyso Soomaaliya iyo Kenya.