DEG DEG:- Ra’iisul Wasaarre Kheyrre Oo Is Casillay Iyo Golaha Baarlamaanka Oo Soo Dhaweeyay (Hakad soomin)

Cadaadis heer caalami ah oo ka heystay dhanka dibadda iyo gudaha ayaa soo dedejisay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ku dhawaaqo iscasilaad aan horey loo qorsheyn.
Xasan Cali Kheyrre ayaa majaraha u hayay dalka tan iyo March sannadkii¬† tegay ee 2017, ha yeeshee saakay ayuu si aan la fileyn ugu dhawaaqay in uu ka tanaasulay aragtidiisii ahayd in uu sii ahaado ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Kheyrre oo xalay saqdii dhexe kormeer ku tegay qeybo kamid ah magaalada ayaa saakay xafiiska aan soo fadhiisan doonin, taas oo jahwareer siyaasadeed gelin karta dalka.

N.B:-

Ka hor inta aadan rumeysan qoraalkan, eeg taariikhda; maanta waa 1-da bisha April oo haddii aan si kale u dhigno noqoneysa maalinta beenta adduunka, ra’iisul wasaarre Kheyrre isma casilin, isbaddal siyaasadeed ma dhicin, ha yeeshee maalintaas ayaa ay uun naga ahayd xasuusiya; waanna idinka raalli gelineynaa beenta ula kaca ah ee aan soo qornay.