Xildhibaan Sahra Cumar Maalin oo Xisbiga Farmaajo ku biirtay Mooshina saxiixday & Xogmuhiima!

Xildhibaan Sahra Cumar Maalin oo kamid aheyd Xildhibaanada garabka ka helay xiligi doorashada Madaxweynahii Hore Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan ku biirtay Xisbiga Nabad &Nolol.

Xildhibaan Sahra Cumar Maalin oo u dhalatay Beesha waceysle Abgaal, ayaa lagu dhex arkay saxiixa Mooshinka Gudoomiyaha Golaha Shacabka Prof: Jawaari iyado ilo wareedyo muhiima inoo xaqeejiyeen in laga balan qaaday in laga dhigaayo Wasiir sidaasna aay ugu biirtay Xisbiga Muxaafidka iyadoo dhabarka xijisay Kooxda Damjadiid oo aay horey ugu tirsaneed.

Xildhibaanada iska diiday in aay Mooshinka saxiixan kana soo jeeda Beesha Waceysle, waxaa ka mid ah Xildhibaan Saadaq Macalim Cabdikariim oo horay isaga diiday in Wasiir loogu magacaabo una sheegay R/wasaare Khayre in uusan baxeyn Xisbigiisa iyo ganacsadaha Caanka ah Cadow Cali Gees.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa sheegay in Siyaasada aynaan laheyn saaxib joogtaa balse aay leedahay dan joogta taasna aay keentay in Xildhibaan Sahra Cumar Maalin ugu baxdo balantii ka dhaxeeysay Madaxweynahii Hore Xasan Sheekh Maxamuud.