Xildhibaan Mahad Salaad Oo Weerar Ku Qaaday Madaxwayne Farmaajo

  Xildhibaan Mahad Salaad ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdillahi Farmaajo, kaas oo uu ku tilmaamay in uu hoog iyo ba’ cusub gelinayo dalka.
Haddaba hoos ka akhriso qoraalka uu bartiisa Facebook ga soo dhigay xildhibaanka.
Madaxweyne Farmaajo wuxuu talada dalka kula wareegay waraaq (taasoo ah waraaqdii loogu codeeyay). Awooda dalkana waxa uu kula wareegay waraaq ay ku cadahay waxa uu xaq u leeyahay iyo waxa uusan u lahayn (taasoo ah dastuurka KMG).
Labadiiba Madaxweyne Farmaajo meel ayuu iska dhigay. Waxa uuna usoo xeyd-xeytay in uu dalka ku qabsato inqilaab ciidan kadib markii uu waayay Xildhibaano ku filan oo ku gacan siiya inqilaabkaas huwan ujeedooyinka gurracan ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed midna aysan dani ugu jirin.
Annaga Xildhibaano xor ah ayaan nahay, dalka iyo dadka Soomaaliyeedna mas’uuliyad gaar ah ayaa naga saaran, cabsi gelin iyo cago jugleyna cidi waxaba nooga qaadi meyso. SOOMAALIYANA IN MAR LABAAD LALA DHUMO MA XAMMILI KARTO!
Soomaaliya Hanoolaato.
Hon. Mahad Salad”