Xildhibaan Fiqqi Oo Si Aan La Fileyn Uga Hadlay Baaqashada kulanka Golaha Shacabka

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqqi ayaa si ka duwan sidii la filayay uga hadlay kulankii Baarlamaanka ee maanta lagu balansanaa.
Fiqqi ayaa sheegay in go’aan saxan uu ahaa baaqashada iyo talo soo jeedinta madaxwaynaha ee ku aaddan kulankaas.
Qaar kamid ah xildhibaannada taageersan Jawaari waxa ay maanta usoo galayeen golaha la doodidda arrinta Beled Xaawo, halka kuwa kalena ay diyaar u ahaayeen in guddoonka laftigiis codka kalsoonida lol qaado.
Si kastaba hoos ka akhriso qoraalka uu Xildhibaanka soo dhigay bartiisa Facebook ga.
Farriin guddoomiyaha golaha shacabka prof. jawaari naga soo gaartay kol dhow shirkii loo ballansanaa saakay waa uu baaqday, sababo la xiriira codsi ka yimid dhanka madaxweynaha.
Waxaa muuqata in madaxweynuhu dareemay muhiimada baaqyadii kala duwanaa ee loo diray iyo inuu dareemay khatarta dalku ku socdo, khilaafka jiraana uu saldhigan doono meel aan caaqibadeeda la mahdin doonin.
Waxaan rajaynaynaa in madaxweynuhu kaalin ka weyn shir la hakiyo uu cayaaro, si daacadnimo ahna arrintan u soo galo.” XILDHIBAAN Fiqqi.