Saxafiyiin Ajaaniib Ah Oo Sabab U Ahaa Baaqashada Shirka Golaha Shacabka!

Talo soo jeedin ka timid madaxwanynaha Soomaaliya ayaa lagu baajiyay kulankii caadiga ahaa ee golaha Baarlamaanka uu maanta ku yeellan lahaa aqalka Ummadda ee magaalada Muqdisho.
Sababo kala duwan ayaa la sheegayaa ha yeeshee shabakadda wararka ee shaaciye oo dabagal dheeri ah ka sameeysay arrintaas ayaa ogaatay in madaxwaynaha Soomaaliya uu go’aanka qaatay markii lagu wargeliyay in shirka golaha baarlamaanka ay ka qeyb galayaan qaar kamid ah warbaahinta caalamiga.
Weriyayaal heer caalami ah ayaa usoo safray todobaadkii tegay bartamihiisa magaalada Muqdisho si ay u tebiyaan wararka iyo khilaafka madaxda.
Farmaajo ayaa ka baqay in gacan qaad iyo is maan dhaaf uu ka dhaco xarunta baarlamaanka iyada oo ay joogaan weriyayaal caalami ah lagana gudbiyo sawir qalddan oo sheegaya in baarlamaanka Soomaaliya ay isku gacan qaadeen.
Si kastaba ha ahaatee dad badan ayaa soo dhaweeyay go’aanka baajinta kulanka baarlamaanka Soomaaliya, ha yeeshee muhiimaddu waa in la diiday faafinta sawir qalddan maaddaama warbaahin caalami ah ay ku marti tahay goobta.