Mauritania oo xukuntay dad addoonsanayay dad kale’

Dowladda  Mauritania ayaa xukun 10-20 sano ah ku ridday labo qof oo lagu eedeeyay in ay addoon sanayeen dad kale oo u dhashay isla dalkaas.

Dalka Mauritania,waxaa uu ka mid yahay Waddamada uu wali ka jiro Addoonsiga dadka inkasta oo labo jeer oo hore Dastuurka dalkaas lagu mamnuucay addoonsiga.

Maxkamadda Magaalada Nouadhibou ayaa 20 sano oo xabsi ah ku ridday Hamoudi Ould Saleck, sidoo kale aabbiohii oo horay u dhintay ayaa xabsi kaas la mid ah lagu riday,waxaana lagu eedeeyay in ay addoonsanayeen 3 qof oo Madow ah.

Gudaha Mauritania, addoonsigu waxaa uu hadda ka marayaa 1%,waxaana dowladda ay addoonsiga mamnuucday 1981dii iyo 2015kii,haddana wali waa uu jiraa.

Dalka kuyaalla Galbeedka Afrika qaar ka mid ah Bulshada Madowga ah ee u dhashay dalkaas ayaa wali ku jira addoonsiga,waxaana ay dowladda arrintaas ku tilmaantay mid gef ku ah muwaaddiniinta.

Hay’adda Xuquuqda aadanaha ee Amnesty ayaa sheegtay in 43,000 oo Reer Mauritania  ay wali ku jiraan nolosha addoonsiga,iyada oo dowladda ugu baaqday in ay arrintaas waxka qabato.

Ururka Midowga Afrika ayaa horayt uga codsaday Dalka Mauritania  in uu sameeyo xeer xoog leh oo wax looga qaban karo addoonsiga dalkaas wali ka jira.