Masuul Ka Tirsan Gobalka Banaadir oo Caawa Muqdisho lagu dilay iyo Xog laga helaayo!

Kooxo hubeysan ayaa goor dhow degmada Xamar Weyne ee Gobalka Banaadir ku dhaawacay labo qofood oo la sheegay in ay ka mid ahaayeen maamulka degmada Xamarweyne.

labada qofood ayaa sanadahii ugu dambeeyay ka shaqeynaayay degmada, Xamarweyne waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uuu mid ahaa Guddoomiye Waaxeed, kan kalena Gudoomiye Laameed.

Maxamud Macalin Xasan (Fagaase) oo ahaa gudoomiyihii waaxda Kacaan ee degmada Xamar Weyne ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaas ay ku fureen kooxo hubaysan xilli ku sugnaa degmada Xamar Weyne.

Kooxihii dilka geystay ayaa baxsaday,waxaana halkaasi soo gaaray ciidamada dowladda  waloow  goobta uu dilka ka dhacay aheyd meel u dhow Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir.