Duleedka Afgooye Diyaarado Sun Buufinayay oo Boqolaal Xoolo Ah Ku Laayay!

wararka aan ka heleyno duleedka degmada afgooye ayaa ku waramaya in halkaasi dhowr Diyaaradood oo ah nuuca qumaatiga u kaca ee Helicopter’s loo yaqaan ay joog hoose ku buufinayeen xoolo ku dhaqan deegaano hoos yimaaada degmada Afgooye ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

Goobjoogayaal ayaaa sheegay in ku dhawaaad 600 oo neef oo ari ah ay diyaarahadaasi oo joog hoose ku duulayay ku buufiyeen deegaanka Miseerey ee duleedka degmada Afgooye ee Gobalka Shabeellaha hoose.

dadka ku dhaqan duleedka degmada Afgooye ayaa sheegay iney arkayeen ilaa sadax diyaaradood oo ah nuuca qumaatiga u kaca ee Helicopter’s loo yaqaan, kuwaa oo ku soconayay qeyb dhaxe, dadka deegaanka ay aad uga argagaxeen sunta ay diyaarahadaasi ku buufiyeen xoolo ari u badnaa.

Dhanka kale diyaaradaha sunta buufinayay ayaa la sheegay iney sido kale buufiyeen ilaa 6 dameer oo ay isticmaali jireen dad xoola dhaqata ah oo ku sugan deegaano katirsan gobalka shabeellaha hoose.

Wararkii ugu danbeeyay ee deegaanka ayaa in dadka deegaanka ay ka cabsi qabaan mar kale iney diyaaradahaasi ka buufiyaan xoolahooda, oo inta badan u daaq taga tuulooyin hoos yimadaa Afgooye.

Lama oga sababta ka danbeeysa buufinta xoolahaasi oo dadkii lahaa hada ay ka yihiin kuwa ceyrtoobay, aynan garan Karin halka ay u raadsadaan cida ka danbeysay leynta xoolahii ay dhaqan jireen.

Inta badan diyaaradaha dowladda mareykanka ayaa Soomaaliya ka fulisa duqeymo ay la bar tilmaameed sadaan goobaha iyo saldhigyada lagu tuhun san yahay iney ku sugan yihiin Xogaga  Al-shabaab.